Mareykanka oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha militari ee u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia kadib isku dhacyo ka dhacay xuduudkooda

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha militari ee u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia kadib isku dhacyo ka dhacay xuduudkooda.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay wararka sheegaya weeraro ka dhacay xuduudka Armenia iyo Azerbaijan, oo ay ku jiraan weeraro lagu soo waramayo oo ka dhan ah deegaamaynta iyo kaabayaasha rayidka,” ayuu Blinken ku yidhi hadal uu soo saaray.

“Sida aan horay u cadeynay ma jirto wax ciidan ah oo lagu xalin karo colaada, waxaan ku boorineynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaal kasta oo ciidamada ay wadaan” ayuu sii raaciyay.

Goor sii horeysay, Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay daandaansi ballaaran ka sameeyeen sacadihii fiidnimo ee xadka dhanka Jihooyinka Dashkesan, Kalbajar iyo Lachin.

Xiriirka u dhexeeya jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa ahaa mid kacsan ilaa 1991-kii, markaas oo ciidamada Armenia ay qabsadeen Nagorno-Karabakh, oo sidoo kale loo yaqaan Upper Karabakh, dhul caalami ah oo loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah Asarbayjan.

Sannadkii 2020-kii, Azerbaijan waxay xoraysay magaalooyin dhowr ah iyo in ka badan 300 oo deegaan iyo tuulooyin ay deggenaayeen Armenia, dagaalkuna wuxuu ku dhammaaday heshiis uu Ruushku garwadeen ka ahaa.