Mareykanka oo 9.4 bilyan kaga iibinaya Giriiga maraakiib dagaal

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ogolaatay iibinta afar markab oo dagaal kuwaas oo qiimahoodu dhan yahay 6.9 bilyan oo doolar lagana iibinayo Dalka Giriiga,waxa sidoo kale la socda macaamilka casriyeynta maraakiibta oo qiimahoodu dhan yahay $2.5 bilyan.

Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ayaa gaarsiisay shahaadadii loo baahnaa, iyadoo ogeysiisay Congress-ka iibka suurtagalka ah.

“Iibintan la soo jeediyay waxay taageeri doontaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo ujeedooyinka amniga qaranka ee Maraykanka iyadoo gacan ka geysanaysa hagaajinta amniga xulafada NATO, taas oo ah lamaane muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee Yurub,” ayaa lagu yiri. ” warbixinta.

Giriiga ayaa waxa uu gacan ka geystaa hawlgalada NATO ee Kosovo, iyo sidoo kale ka hortagga argagixisada iyo dadaallada ka dhanka ah burcad-badeedda.