Maraykanka oo Soomaaliya u soo diraya boqolaal askari

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ogolaaday in ciidamo Mareykan ah loo soo diro Dalka Soomaaliya, kadib kolkii uu meesha ka saaray go’aankii madaxweynihii isaga ka horreeyay Donald Trump ee kal hore Soomaaliya looga saaray ciidamo gaaraya todobo boqol oo askari oo ka howlgali jiray Soomaaliya.

Aqalka Cad ayaa Isniintii xaqiijiyay go’aanka Biden, kaasoo ku saleysnaa codsi uu sameeyay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin,sida ay soo wariyeen The New York Times (NYT).

Go’aanka madaxweyne Biden ayaa dabasocda dalab ka yimid xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka,kaas oo la xiriira in dib loo soo celiyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan dagaal wax ku ool ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Pentagoonka ayaa  sheegay in go’aankaasi la ansixiyay horraantii bishii May, waxaana ka mid ah in la diro ciidamo aan ka badneyn 450,kuwaas oo ka shaqeyn doona in awood loo yeesho dagaal lagu qaado kooxda al-Shabaab.

go’aankan ayaa sidoo kale yimid ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 iyo 2017-kii, Axaddii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalka.

Soomaaliya waxaa horay u joogay ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah ,kuwaas oo ku howlanaa sidii ciidamada dalka ay uga adkaan lahaayeen Al-Shabaab