Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogtay xubno muhiim u ah Al-shabaab

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay liiska rag Soomaaliyeed oo waaxda maaliyadda Mareykanka ay ku eedeysay in kooxda Argagixisada Al-shabaab ay kala shaqeeyaan dhanka uruurinta dhaqaalaha iyo u fududeynta hubka, waxaana xayiraad lagusoo rogayaa shirkadahooda ama kuwa saamiga boqolkiiba konton ay ku leeyihiin.

Shaqsiyaadka waaxdu magacaawday ayaa kala ah

1-Khaliif Cadaale

2-Cabdullaahi Jeeri

3-Cabdikariin Xuseen Gaagaale

4-Cabdisamad “lama dhameystirin magacaan”

5-Cabdiraxmaan Nuurey.

Xubnahan magacyadoodu kor ku xusan yihiin ayaa ah kuwa kooxda Argagixisada dhaqaalaha u uruuriya si bulshada Soomaaliyeed loogu gumaado

Sidoo kale waaxda Maaliyadda mareeykanka ayaa shaacisay magacyada afar xubnood oo kala ah.

1-Maxamed Xuseen Salaad

2-Axmed Xasan Cali

3-Maxamed Cali Badaas

4-Suleymaan Mataan

Kooxdan afarta ah waxa ay iyaguna waxay kooxda u yihiin  shabakad kale oo si weyn ugala shaqeysa hubka iyo tahriibka dhinaca Yemen .

Tallaabadan maanta ay ku magacaawday waaxda maaliyadda mareeykanka xubnaha lagu helay la shaqeeynta kooxda Argagixisada ayaa lagu sheegay in dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadka kor ku xusan iyo hay’ad kasta oo ay leeyihiin si toos ah ama si dadban boqolkiiba 50 ama ka badan shakhsi ahaan loo xannibay dhaq-dhaqaaqooda.

Warkaan goor dhow kasoo baxay Mareykanka ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya iyo shacabkuba ay dagaallo kula jiraan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.