Maraykanka oo $5 Milyan Abaalmarin ah dul dhigay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacagreed oo gaareysa $5 Milyan oo loogu talagalay ciddii xog gacan ka geysan karta helitaanka Khadra Ciise, oo ah haweeney Soomaali ah oo haysata dhalashada Netherlands (Holland), taas oo Mareykanku ku eedeeyay inay door hoggaamineed ku lahayd guuto haween ah oo ka tirsanaa Ururka Daacish (ISIS)gudaha dalka Suuriya.

Haweeneydii ISIS u qaabilsanayd arrimaha Shareecada ee guutada Haweenka Nusaybah Katibah oo uu Maraykanku ku abaalmarinayo 5 million Ciddi xog ay leedahay keenta. Khadra, oo sidoo kale loo yaqaan Umm Qaqa al-Somali, waa haweeney asal ahaan Soomaaliya kuna dhalatay oo haysata dhalashada Netherlands, waxayna sanadkii 2014 u safartay Syria si ay ugu biirto ISIS. Intii ay Syria joogtay ISIS-NK waxay si rasmi ah ugu tababartay isticmaalka hubka, walxaha qarxa iyo hawlgallada ismiidaaminta.

ISIS-NK waa guuto dagaalyahano Haween keliya ka kooban waxaana lagu sameeyay Raqqah, Syria, sanadkii 2016-kii, si loo qoro, loo abaabulo loona tababaro Haween dagaalyahanno ah xirfado kala duwan oo dagaal iyo ciidanba leh. Xilligii ay ugu xoogga badnayd, Guutada ISIS-NK waxay lahayd dhowr boqol oo xubnood oo tababaran, kuwaas oo ay ku jireen muwaadiniin Mareykan iyo Yurub ah.

Sida uu Mareykanku sheegay in xubnahan khatar gaar ah ku yihiin dalalka reer Galbeedka, maadaama ay si fudud u geli karaan dalalkaas isla markaana ula qabsan karaan Bulshooyinkooda. Inkastoo tirada kooxda ay hoos u dhacday kadib markii ISIS laga adkaaday dhulalkii ay maamuli jirtay dhammaan lagala wareegay haddana kooxdu weli meelaha qaar way firfircoon tahay.

Khadra Doorkeedii ISIS-NK waxay hoggaaminaysay koox si  jujuub ah Haweenka ugu dhaqan-gelinaysay waxa ISIS ugu yeertay sharciga Shareecada. Sida lagu sheegay xogta Mareykanka, Khadra waxay bixisay amarro sababay ciqaab jireed oo ay ka mid ahaayeen weerarro iyo xitaa dilal.

Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bixinaysa abaalmarin gaareysa 5 milyan oo doollar oo lagu raadinayo xog ku saabsan Khadra Ciise, oo ahayd macallimad sare ee Shareecada ee guuto ISIS ah oo Haween oo keliya ka kooban, laguna magacaabo Nusaybah Katibah (ISIS-NK).

Sida ay qortay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka – Rewards for Justice, Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegaya in Khadra Ciise, oo sidoo kale loo yaqaan “Ummu Qaacqaa’ Al-Soomaali”, ay Suuriya u safartay 2014-kii, iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahayd tababarro Hub iyo walxaha qarxa, qorista Haween iyo faafinta fikirro xagjir ah.

Dowladda Maraykanka waxay sidoo kale sheegtay in Khadra ay gacanta ku haysay Carruur dhowr ah oo la Afduubay ama si khasab ah loo kaxeeyay Sanadkii 2019-kii, Caruurta ay gacanta ku haysay waxa ka mid ahaa laba Walaalo ah oo Mareykan ah, Yusuf iyo Zahra Shikder, waxayna geysay meel aan la shaacin oo ku taalla Syria, kadib markii Hooyadood ay ku dhimatay weerar Militari oo lagu qaaday ciidamada ISIS-ta.

Hooyadaas Carruurta dhashay ayaa 2015-kii Carruurta si Afduub ah ugu qaaday Syria, si ay ugu biiraan ISIS, iyadoo aan haysan oggolaanshaha Aabbahood.

Gabagabadii, Barnaamijka Rewards for Justice ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ogeysiinaya in uu bixinayo abaalmarin gaareysa 5 milyan oo doollar qofkii keena xog horseedi karta in la helo Khadra Ciise iyo Carruurta ay waddo.