Maraykanka oo 127 milyan oo dollar ugu deeqay Abaaraha saameeyay Afrika

Sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Maraykanka ayaa sheegay in sare u kaca ku yimi cuntada adduunka uu saameeyey dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, iyada oo sare u kaca qiimaha cuntada uu sababay duullaankii uu dalka Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

“Qiimaha cunnada ee dunidu wuxuu 23% ka sarreeyaa qiimihii uu joogay sannad ka hor, laakiin sare u kacaasi wuxuu si xun ugu dhuftay ama looga dareemay dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, waxaana qiimaha cuntada lagu iibsado ay sare u kacday illaa 40%” ayay tiri danjire Linda Thomas-Greenfield oo ah ergeyga dawladda Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Ghana.

Waaxda arrimaha Afrika ee Mareykanak ayaa sheegtay in la filayo in guud ahaan dadka cunto yaridu ay ku hayso dunida ay kor u dhaaftay 230 milyan oo qof, taasoo ka dhigan in duullaanka Ruushka ee Ukraine uu tirada dadka saboolka ah ee aan cuntada haysan uu ku sii kordhiyay illaa 40 milion oo qof oo dheeraad ah.

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa intii ay joogtay dalka Ghana waxay ku yaboohday in ka badan $127 milyan oo gargaar bini’aadanimo ah oo loogu deeqayo qaaradda Afrika, taasi oo lagu taageero arrimaha Abaaraha ee dhaliyay qaxootiga iyo barakaca.