Maraykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha geeska Afrika

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo qadka telefoon ku wada xiriiray ayaa kawada hadalay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Itoobiya iyo arrimo ku saabsan amniga gobolka

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya ee sii xogeysanaya si xal looga gaaro colaadaha,waxa uu sidookale sheegay in loo baahanyahy in Madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyaan doorashada iyo inay is-xakameeyaan si uusan u dheeraan khilaafka Siyaasadeed.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa Xoghayaha warbixin ka siiyay sida dowladda Kenya ay uga go’antahay xal u helidda xiisadaha ka jira wadamada dariska la ah dalka kenya