Maleeshiyada Al-Shabaab oo deegaano muhiim ah laga saaray

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed  beryahaanba howgallo ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka waday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa kala wareegay degaanno ay gacanta ku hayeen muddooyinkii danbe.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ,Saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka , NISA, Booliska Hirshabelle iyo Dadka degaanka oo is Abaabulay ayaa si wada jir ah u wada Hawlgalkan dib loogu Xoreynayo degaanno ka mid ah gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Howlgalkan lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab oo dhibaatooyin Xooggan ku haya Shacabka ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobolka Hiraan.

Saraakiisha Ciiidamada iyo Masuuliyiinta Maamulka gobalka ayaa sheegay in Guulweyn laga gaaray Hawlgalkan ka socda gobolka Hiiraan, iyadoo ku dhawaad 10 degaan lagala wareegay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasoo u dhaxeeya Matabaan iyo Maxaas.