Maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Dowladda

Maxamed Tawane Cabdi iyo Deeqow Ibraahin Cabdale oo ka wada tirsanaa maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan dgmada Luuq ee gobolka Gedo.

Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada Luuq ayaa soo dhoweeyay labadani ruux ee ka soo goosatay argagixisada, waxayna la soo baxsadeen hubkii ay ku howlgali jireen.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa dowladda federaalka Soomaaliya isu soo dhiibay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirka gurracan ee ururkaasi.