Maleeshiya ka tirsan Al-Shabaab oo lagu laayay dagaal ka dhacay Gobolka Shabeelaha dhexe

ILAYSKA DALKA:-Iyadoo maalmahi la soo dhaafay ciidanka xoogga dalka ay howlgal kasameeynayeen degaanka Warta-Jilable ee gobolka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo lagu dilay ku dhawaad 100 ka mid ah maleeshiyaadka argagaxisada  oo isugu jiray horjoogayaal iyo dagaalamayaal, sidokale waxaa lagu dhaawacayn tiro intaasi ka badan.

Ciidanka ayaa waxay howlgallo kawadaan degaanada howdka ah ee udhow degaanka Warta Jilable ee gobolkaasi shabeelaha dhexe, iyaga oo sii baacsanaya maleeshiyaadka firxadka ah ee argagixisada Al-shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Col: Cali Xaashi, ayaa warbaahinta Qaranka usheegay in qasaare xoogan uu soo gaaray maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaasna meeydadkooda ay daadsanyihiin dhaman goobihii lagu dagaalamay.