Malaayiin muslimiin ah oo maanta taagan banka Carrafo

Carrafo-In ka badan 2-milyan oo xujey ah kana kala timid daafaha caalamka ayaa maanta taagan Banka Carafo oo ka mid ah Rukniyada waawayn ee Xajka.

Xuxeyda Soomaaliyeed ayaa xalay si nabad ah ku gaaray Carrafa, iyadoo ay maamulka xajka kaalin weyn ka qaadanayso wasaaradda awqaafta XFS iyo mas’uuliyiinta xamlooyinka.

Mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska bixinta adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed ayaa xujeyda faray in ay ka gaashaantaan kulayl fara badan oo la filayo in maalmaha soo socda uu jiri doono halkaas inta u dhexeysa 10-ka subaxnimo illaa 4-ta galabnimo, sidaa awgeedna loo baahan yahay in ay qaataan dallaayado, cabbaan biyo badan, kana soo bixin khaymadahooda.

Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Islaamka XFS ayaa dedaallo fara badan ku bixisay in ay xujeyda Soomaaliyeed ay helaan adeegyada ka wanaagsan kuwii hore, iyadoo u diyaarisay tala bixiyayaal iyo guddiyo farsamo oo kala duwan.