Mahad Cabdalla Cawad oo ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa markale ku guuleystay doorasho maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kursigan ayaa waxaa Mahad Cabdalla Cawad kula tartantay Shukri Cali Faarax, waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad uu helay 84 Cod halka Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah, waxaana xumaaday 17 cod.

Doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si habsami leh ugu socota dalka.