Ceeldheer- Waxaan helnay xogta iyo magacyada horjoogayaashii hoggaaminayey maleeshiyaad lagu qiyaasay 700 oo Khawaarij ah, kuwaas oo shalay weerarkii degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku noqday wax la dilay, wax nolosha lagu qabtay iyo wax lagu dhaawacay dagaalka.
Dagaalkaas oo socday ku dhowaad toddoba saacadood, waxay ciidamada dowladda oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka xoogga saareen in Khawaarijtii weerarka soo qaaday uusan ka laaban hal qof oo nool.
Gudaha magaalada, daafaha iyo duurka fogba meydadka cadowga ee urkooda dadka laga aasay waxay kor u dhaafayaan 75 dhagarqabe, oo horjoogayaal aan magacyadooda hayno ay ku jiraan, iyadoo dhaawacyada Khawaarijta ay ka badan yihiin 85 kale.
Horjoogayaasha la xusi karo ee dagaalka lagu dilay waxaa ka mid ah: Horjooge Cabdiqani Amiir Saariyow, Saciid Ibraahim Cali Tifoow, Saabir iyo Daadulaah, kuwaas oo ahaa horjoogayaashii ugu sareeyey Khawaarijta ku dhuumaaleysata bariga gobolka Galgaduud.
Halka dhaawacyada horjoogayaal ay ka mid yihiin Macallin Ciise, Dr. Bishaar iyo Carab Qamaar oo dabiib caafimaad loo waayey, naftuna ay ku dabayartahay, ay Khawaarijtu geeyeen Galhareeri iyo deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud.
Sidoo kale, waxaa lagu guuleystay in Khawaarijta nolosha looga qabto maxaabiis dagaal oo hadda ku jira gacanta ciidamada dowladda, iyadoo cadowga laga furtay hub iyo rasaas aad u badan.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa tan iyo 4-tii bishaan la socday qorshaha weerarka ay Khawaarijtu abaabuleysay. In xogta cadowga si toos ah loo la socday ayaa suurtagelisay guusha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen dagaalka.
Guusha ciidamada geesiyaasha ah waxay soo bilaabatay markii ay fashiliyeen qaraxyadii cadowgu ku soo rareen labo gaari, kuwaas oo ay doonayeen in weerarka ay ku bilaabaan, balse ciidamadu qarxiyeen iyagoo aan wax khasaare ah geysan.
Isku xirnaanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa horseedday in la jebiyo cadowga.
Difaacyada ciidamada dowladda oo ku yaallay goobo kala duwan ayaa sahlay in la wiiqo qorshihii cadowga oo la laayo maleeshiyaadkii Khawaarijta.
Ciidamada ayaa waqti fiican helay gurmad ciri iyo dhul ah, taas oo suurtagelisay in bilow ilaa dhammaadkii dagaalka ay ku gacan sareeyaan ciidamada qaranka iyo geesiyaasha hubka u qaatay inay cadowga iska difaacaan ee degmada Ceeldheer.