Magaalada Napoli oo uu ka dhacay dhulgariir ka hor kulanka Real Madrid

Napoli: Magaalada Napoli waxaa gilgilay dhulgariir saacado ka hor inta ay kooxda Napoli wajihi rabtay Real Madrid  kulan ka tirsan Champions League.

Sida 10 baabuur oo kuwa xamuulka qaada ah in lagu garaacaya dhismaha garoonka ee Napoli waxaa argagax ka jiraa magalada Naples  iyadoo oo uu  dhulgariir ka  dhacay wadanka Talyaaniga saacado ka hor kulanka Champions League ee Real madrid  iyo Napoli  oo ka dhacayo garoonka Diego Armando Maradona.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro dhibaato looga walwalsanyahay garoonka ka hor inta aan kubbad la baasan.  Sababta oo ah dhulgariir cabirkiisu ku dhawyahay 4.0 ayaa saameeyay dalka talyaaniga.  Kooxda Real madrid ayaa ku sugan badhtamaha magaalada Naples, oo ka fog xurunta dhulgariirka ee aagga Camp Flegrei, laakiin dadka deegaanka oo argagaxsan ayaa isugu soo baxay waddooyinka si ay u ogaadaan waxa dhacay iyo haddii uu jiro qasaare halis ah.

Suxufiga isbaanishka ah ee Guillem Balague ayaa ka mid ah dadka ku sugan Talyaaniga si uu u tabiyo falcelinta ciyaarta, wuxuuna soo dhigay baraha bulshada: “Dhulgariir 3.2 ah wuxuu la mid yahay gawaari xamuul ah oo ku dhacay dhismo.  Ama in ka badan toban baabuur oo xamuul ah.  Dhaqdhaqaaqa dhismaha iyo sawaxanka ayaa xoog leh.  Waan ogahay taas sababtoo ah waxay nagu dhacday inagoo joogno magaalada Naples. ”

Kooxda ka dhisan La Liga ayaa caawa oo Talaado ah garoonka Diego Armando Maradona ku ciyaari doonta kulankii labaad ee Group C  iyadoo labada kooxood ay hore usoo qaateen seddex dhibcood kulankoodii koowaad.  Waxaa jira ballanqaadyo waxqabad badan oo garoonka dhexdiisa ah iyadoo ay iska hor imaan doonaan xidigaha kala ah Jude Bellingham,Toni Kroos iyo Victor Osimhen iyo kvara khvrskheliea.

WQ: Sakariye Cabdixakiin Maxamed