Madaxwynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Cadale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxwynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale oo si casri ah loo dhisi doono.

Garoonkaan diyaaradeed oo dhowaan dhismihiisu uu bilaaban doono ayaa wax badan kusoo kordhin doona harumarka deegaanka iyo isu socodka bulshada.