Abaal ninkii galaa waa in loo gudaa gar weeye, waa in la xusaa had iyo jeer kuwa sameeya taariikhaha dalka gaar ahaan xilliyadaan oo kale oo lala jihaadayo khawaariijta manaxayaasha ah ee ku soo duulay dalkeena,
Madaxweyinaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya mudane Dr. xasan sheekh maxamuud ayaa noqday madaxweynihii u istaagay la dagaallanka iyo ciribtirka khawaarijta iyo weliba badbaadinta dalka iyo dadka.
Dhanka kale, Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in ka badan boqol habeen ka maqan hoygiisa ku yaalay caasimadda dalka isagoo ku hoyana furimaha dagaalka meel aan ka fogeen furimaha dagaalka isagoo wacad ku maray in uusan ku so noqon doonin hoygiisa Ilaa inta laga sifeenayo cadowga umadda soomaaliyeed.
Madaxweynaha Qarankan ayaa dhiiro galin u muujinaya ciidamada qaranka kuwaasoo godadka ku eryanaya khawaarijta ciidanka qaran soomaaliyeed ayaa iyagana dhiiro galinta ay ka helayaan madaxweynahooda awgeed maalin walba magaalo kala wareegaya cadowga khawaarijta.
Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya mudane Dr xasan sheekh maxamuud ayaa qaatay go’aan masiiri u ah ummadda soomaaliyeed kaaso go’aankiisa yahay in uu ka dulqaado ummadda soomaaliyeed culeeska saaran kaaso ay sanadihii la soo dhaafayay oo dhan ay ku haayeen cadowga khawaarijta. Madaxweyne Xasan ayaa soo noqoshadiisa labaad ee doorashada ay ku farxeen badi shacab weynaha soomaaliyeed.
Tan iyo markii uu xilka madaxweynenimada uu ku so laabtay waxaa cabsi ku nool noqday cadowga ummadda soomaaliyeed isagoo culees aad u tiro badan saaray cadowga.
Khawaarijta ayaa horaantii dhibaato ba’an ku hayay shacabka ku sugan caasimadda iyo gobollada dalka ka dib markii la doortay cadowga khawaarijta wuxuu dareemay in ay dhamaaday calafkii ay ku lahaayeen soomaaliya.
haatan waxaa rumowday riyaadii dadka soomaaliyeed ee muslimiinta ah, waxaana gododkoodii loogu dhacay khawaariijta waxaana lagu baacsanayaa howdka iyo jiqaha oo lagu eryanaya iyagoona ficil ka sameyn karin caasimadda foojignaanta amniga dartiis ka dib markii bulshada iyo ciidammada oo isku duuban ay hubka u qaateen lagana xoreeyay magaalooyin tiro badan lagana dilay khawaariij tiro la’aan ah, dhaawacana tiro beel yahay, qaarkoodna isa soo dhiibeen iyagoo dulleysan oo ay ka muuqato rafaadka ku dhacay waxayna noqotay mid ay ka sheekeyn doonaan ummadda soomaaliyeed hooggii iyo ba’ii qabsaday kuwii dalka ku soo duulay ee diinta ka been sheegay.
WQ: Zaki Lucky