Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu rejo wayn ku qabo Dadaaladda Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadan shirka 20-ka bishan.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya mudane Sharif Sheikh Ahmed ayaa sheegay inuu rejo wanaagsan ka qabo dadaaladda Ra’iisul Waasaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble eeku shirka loo balansanyahay ee 20-ka bishan.

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20ka bishan loo madlan yahay kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada.

Waxaan sidoo kale kalsooni buuxda ku qabaa dadaalada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, anigoo aaminsan in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yidhi Madaxweynihii Hore dalku mudane Sharif Sheikh Ahmed