Madaxweyne Xasan Sheikh oo kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo xarunta maaliyadda Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa madaxweynaha iyo Waftigiisa ku soo dhoweeyay xarunta Wasaradda.

Wasiirka wasaaradda Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa uga warbixiyay madaxweynaha qaabka ay u shaqeyso wasaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaardda

Dhinac kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqaday Xarunta Bankiga maamulka iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal.