Madaxweyne Xasan Sheikh oo bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kormeerey difaacyada ciidamada gobolka Shabeellaha Dhexe iyo diyaargarowga ay ku jiraan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada iyo saraakiisha guulaha kasoo hooyay dagaalka Khawaarijta,islamarkaana habeen iyo maalin u taagan ciribtirka argagixisada si ay nabad ugu seexdaan shacabka.

Kormeerka, Madaxweynaha waxaa ku weheliya madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.