Madaxweyne Xasan Sheekh : Waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka si aan u sii hogaamiyo howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay ka go’antahay in dalka guud ahaan laga xoreeyo khawaarijt,waxa uu sheegay Madaxweynaha in soomaaliya oo aan laga sifeeyn khawaarijta aan la gaari karin amni iyo xasilooni.

Madaxweyna Xasan Sheekha oo hadal ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhawaan ku laaban doono furimaha dagaalka si loo sii dardargaliyo howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

“Waxaan ku laaban doonaa furimaha dagaalka si aan u sii hogaamiyo howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadlakiisa sii raaciyay in cadawga ummadda soomaliyeed ay yihiin khawaarijta oo banneeysatay dhiigooda iyo hantidooda intaba,ayna waajib tahay in guud ahaan dalka laga sifeeyo,si dalka uu u gaaro hormar  waara.

Ciidanka geesiyasha Qaranka ayuu Madaxweynuhu ku bogaadiyay dagaalka naf hurnimada leh ay ku jiraan,isagoona faray in lasii laba jibaaro howlgallada ka dhanka ah khawaarijta si inta dhiman looga xoreyo dalka.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Baarlamaanka ka hor jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay, waxyaabaha uu ka hadlay waxaa kamid ahaa gulufka dagaal ee dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta kaas oo guul weyn laga gaadhay iyo dhameeystirka Dastuurka Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya.