Madaxweyne Xasan Sheekh “Waa tuug iyo khiyaanoole qofkii hareer mara nidaamka bixinta canshuuraha.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuda ayaa sheegay in khiyaanole uu yahay qofka lacagta canshuurta meshii loogu tala galay ku bixin,dowladuna ay la xisaab tami doonto cid kasata nidaamka canshuur bixinta ka hortimaado

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in ay waajib tahay in shacabku ay bixiyaan canshuurta si dalku u gaaro isku filnaasho.

“Waa tuug iyo khiyaanoole qofkii hareer mara nidaamka bixinta canshuuraha.” Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha jamhuuriyadda faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheeh Maxamuud  ayaa hadalkaan ka jeediyay furitaanka shirweynaha Bankiyadda Soomaaliyeed.