Madaxweyne Xasan Sheekh : Soomaaliya waxay taageereysaa is-afgarad dhex mara Masar iyo Itoobiya

Muqdisho – (Wargeyska Dalka) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo wareysi siiyey Telefishinka “Al-Arabiya”, ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo is-afgarad dhex mara Masar, Itoobiya iyo Suudaan, kaas oo ku saabsan Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, isagoo xusay in Soomaaliya ay dooneyso in ay nabad kula noolaato deriskeeda iyo adduunka intiisa kale.

Madaxweynuhu wuxuu yiri: “Xafladdii furitaanka biyo-xireenka, waxaan caddeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay in ay taageerto labada dhinac, Masar, Itoobiya iyo sidoo kale Suudaan, si ay isu fahmaan, arrintani waxay socotay in ka badan toban sano, welina xal kama dambeys ah looma helin, balse waxaan aaminsanahay in xal togan uu imaan doono”.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in kulankiisii uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu muujiyay diyaarinta Addis Ababa ee wada hadal, isagoo yiri: “wuxuu ii xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto cid kasta oo welwel ka qabta biyo-xireenka iyo biyihiisa”.