Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay horumarka ay Dowladdu ka gaartay Siyaasadda Arrimaha Dibadda.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay jireen waqtiyo go’aannada Soomaaliya lagu gaari jiray Dibadda, balse xaaladdaas aysan Maanta jirin. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay Maanta noqotay Dal ka qayb qaata go’aannada quseeya Gobolka iyo Caalamkaba.
“Soomaaliya go’aannadeeda siyaasadeed laguma gaari karo Dibadda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay horumarka dhinacyada Dhaqaalaha iyo Amniga, isagoo yiri:
“Haddii aynaan helin Ciidan qalabaysan oo awood leh, haddii aynaan helin Dhaqaale nagu filan iyo Saldhig Sharciyeed oo adag, Adduunka kama heli doonno Maalgashi iyo Sharaf.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo sheegay in Dowladda ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka, isla markaana si weyn loo wiiqay awooddii ay Kooxda Argagixisadu lahayd Sanado ka hor.
“Khawaarijtu waxay ku jiraan marxaladihii ugu adkaa, Dowladduna waxay sii wadi doontaa dagaalka Dalka looga xoraynayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

