Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga kula kulmay madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, kaasi oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal, si loo gaaro danaha iyo himilooyinka wadajirka ah ee labada shacab.