Madaxweyne Xasan Sheekh oo si maamuus sare leh loogu soo dhaweeyey Aljeeriya

Aljeris: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa galabta gaaray Caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, halkaas oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu u soo diray Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Cabdulmajiid Tabuun.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya Mudane Abdelmadjid Tebboune iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada, iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Aljeeriya soo-dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.