Madaxweyne Xasan sheekh oo sheegay inuu dhowdahay waqti Khawaarijta si buuxda loo jabin lahaa

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda Ciidda awgeed hadal u jeediyey bulshada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta oo ka socda qaybo badan oo dalka ka mid ah, isagoo xusay in ciidanka Qaranku guulo wax ku ool ah ka gaareen hawlgaladi ay ka fuliyeen gobolada qaarkood.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu todobaadkan furimaha dagaalka ku soo arkay sida ciidamada qalabka sida iyo ciidamada deegaanku u jabinayaan Khawaarijta.

“Ciidamadeenu waxay cadowga siiyeen duruus ay taariikhdu xusi doonto, waan ku kalsoonahay in guushu dhowdahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay Khawaarijtu joogto, si aysan waxyeelo uga soo gaareen duqeymaha isdaba joogga ah ee lagu beegsanaayo.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa inay ka fogaadaan meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan cadowga Khawaarijtu, meel kasta oo ay joogaan waa hadaf” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.