Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in kaalmo samafal la gaarsiinayo gobolka Gedo

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, ayaa faray ciidanka ka tallaabay xuduudda dalka aan dariska nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isagoo xaqijiyay in cidna aan ciqaab la mari doonin, isla markaana loo ballan qaadayo badqabka iyo nabad gelyadooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameysay xaaladda ka taagan gobolka Gedo.