Muqdisho (Wargeyska Dalka): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, kaddib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xubnaha Guddigan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta, isagoo bogaadiyey wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda taasoo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha Guddigan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ,wuxuu Alle uga baryey in uu shaqadooda u fududeeyo, ugu danbeynti wuxuu sidoo kale xubnaha Guddigan uu xusuusiyay waajibaadka laga sugayo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo xoojinta nidaam dowladnimo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.

