Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, oo uu wehliyey Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Richard H. Riley.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada muhiimka ah oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo xoojinta xasillinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee AFRICOM ku leeyahay taageeridda dib-u-habaynta amniga Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay sii wado horumarinta nabadda iyo xasilloonida, iyada oo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah.
Jeneraal Anderson ayaa xaqiijiyay ballanqaadka Maraykanka ee ah in uu si dhow ula shaqeeyo Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta xasilloonida waarta ee Geeska Afrika.
Booqashadan waxa ay muujisay iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka ee ku aaddan wax ka qabashada caqabadaha amniga guud iyo horumarinta xasilloonida gobolka.