Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlgala

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha la wadaagay warbixin ku saabsan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay ka xaqiijiyeen dhinacyada amniga, doorashooyinka tooska ah, la-dagaallanka Argagixisada, gurmadka abaaraha, xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Safiirrada taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dib-u-dhiska dowladnimada, amniga iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladdu ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah ee ku saleysan ixtiraamka iyo dano wadaagga.