Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Ankara:-Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo walaaltinimada adag ee ka dhaxaysa labada dal ee walaalaha ah.