Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada dalka Kenya, kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaasi, Mudane William Ruto oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkan socdaal ku maray dalalka ay ciidamadoodu qaybta ka yihiin hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS oo haatan gaban gabo ah.