Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe magaalada Addis- Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay dhiggiisa dalka Nigeria Muhammadu Buhari.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dadaallada la dagaallanka khawaarijta iyo kor u qaadista midnimada dalalka Afrika( Pan-Afrika) iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirada dhanka ganacsiga iyo isu socodka bulshada labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Itoobiya uga qeyb galay Meertada 36-aad ee Shirka Madaxda Afrika, isagoo uga hadlay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga sida la dagaallanka Khawaarijta, arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.madaxweynaha ayaa dhinaca kale kulama doceedyo kula qaatay madaxda wadamada afrika ee shirka ka qeyb galayay.