Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Gobolka Minesoto ee Dalka Mareykanka uga  qeybgalay xaflad soo dhoweyn ah oo ay soo qabanqaabiyeen ururada bulshada ee jaaliyadda Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan horumarada socda iyo halka ay marayaan gulufka loogu jiro la dagaalanka kooxaha argagixisada ee ku sugan gudaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka u ballan qaaday in gobolka Minnesota laga furayo Qunsuliyad bixin doonta adeegga bulshada.

la soco wixii faahfaahin ah goor dhow