Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mudane Frank Garcia, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dal, arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac iyo danaha ay wadaagaan, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku aaddan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada dowlad-dhiska, amniga iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal.