Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Yugaandha, halkaasi oo uu kulan miro dhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yugaandha, Mudane Yoweri Kaguta Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta hay’adaha dowladda iyo iskaashiga gobolka ee lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada gobolka geeska Afrika.

Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan muhiimadda shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM oo berri ka furmaya magaalada Kambaala, kaasi oo diiradda lagu saarayo taageerada amniga iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, iyaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada caalamiga ah ee lagu garab istaagayo Soomaaliya si loo xaqiijiyo amni, xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.