MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY MADAXWEYNAHA DALKA MASAR

Al-Calamay(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday Shir Madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda Magaalada cusub ee Al-Calamayn.

 

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Horumarinta Iskaashiga Labada Dal.

 

FB_IMG_1791028379591.jpgFB_IMG_1791028377406.jpg

FB_IMG_1791028382396.jpg

FB_IMG_1791028384985.jpg