Madaxweyne Xasan Sheekh oo Khadka Taleefanka kula galay Madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiya, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga miro-dhalka dadaallada nabadda iyo wada-hadalka ee ku aaddan PKK, isagoo bogaadiyey doorka firfircoon ee dowladda Turkiga ay ka qaadato taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale adkeeyey in dowladda Turkiga ay sii wadi doonto garab istaagga ay u hayso Soomaaliya, iyadoo mudnaanta siinaysa mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta adeegyada bulshada.