Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Madaxweynaha Namibia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo dowladda Namibia uga tacsiyeeyay geerida H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Namibia.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Namibia ee uu ka geeriyooday H.E. Dr. Hage G. Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia.

Dr. Hage G. Geingob waxa uu ahaa hoggaamiye caan ah oo naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, isla markaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika.

“Inta lagu jiro wakhtigan adag, waxaan garab istaagnaa qoyskiisa iyo dadka Namibia sida ay u murugaysan yihiin geeridii hoggaamiye weyn”sidaa ayuu yiri Madxweyne Xasan Sheek