Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeey Geerida Senator Cabdirisaaq Cismaan Xareed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Sanatar Cabdirisaaq Cismaan Xareed oo ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD