Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay Shirweynaha cimilada Adduunka oo Turkiga ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31) oo maanta ka furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay muhiimadda fulinta ballaanqaadyadii caalamiga ahaa ee wax ka qabashada isbaddalka cimmilada iyo taageerada dalalka sida daran ay u saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya oo aan wax badan ku lahayn qiiqa hawada wasakheeya ee caalamka ay haddana ka mid tahay dalalka sida daran ay u saameeyaan abaaraha iyo fatahaadaha, isaga oo xusay in la joogo xilligii dalalka mas’uuliyadda ugu weyn ka saarantahay isbeddelka cimiladu ay hoggaamin lahaayeen dadaallada lagu yareynayo saameyntiisa.