Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowlad Galmudug, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Mursal Cabdi Aadan oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Guddoonka Cusub guul iyo in ay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka loo idmaday, iyagoo mudnaanta siinaya danta guud, wadajirka iyo horumarka, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan gudashada masuuliyaddooda, kana shaqeeyaan xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowlad Goboleedka iyo horumarinta howlaha Golaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey Doorashooyinka sida Nabadda iyo Dimuqraadiyadda leh uga dhacay Deegaannada Galmudug, isaga oo xusay in ay tallaabo muhiim ah u yihiin horumarinta hannaanka Dimuqraadiyadeed ee Dalka iyo xaqiijinta xaqa Muwaadiniinta ee Doorashada Hoggaankooda.

