Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ganacsatada ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha Bankiyadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa Ganacsatadda ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay” ogow adeege ayaad tahay cashuurta iibka waxa laga rabaa waa qofka Soomaaliyeed ee wax gadanaya ha isku dayin in khiyaanto waa dambi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Bankiyadda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta bixinta Cashuuraha oo ay door muhiim ah ka qaateen,Madaxweynaha ayaa ku baaqay in ganacsatada kalena ku daydaan oo fududeeye u noqdaan Cashuur bixiyeyaasha.