Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo dhiggiisa dalka Shiinaha iyo madax kale oo ka socota Qaaradda Afrika.