Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay madaxtooyada JFS ee magaalada Baydhabo

Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo madaxweynaha maamulka koofur galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Madaxtooyada JFS ee magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kormeeray Garoonka Ciyaaraha Dr, Ayuub, Xeryaha barakacayaasha Baydhabo iyo Isbitaalka guud ee Gobolka Baay, isagoo warbixin ka dhagaystay maamulka , dhaqaatiirta iyo howl wadeennada Isbitaalka,.

Madaxweynaha ayaa shalay magaalada Baydhabo ka daah-furay shirka dib u heshiisiinta maamul goboleedka Koofur galbeed.