Madaxweyne Xasan Sheekh oo darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Munaasabad ku qabsoontay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa darajada Sarreeye Gaas u dallacsiiyay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sulub Axmed Firin.

Madaxweynaha ayaa Taliska, Hoggaanada, Saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta nabad-galyada dalka, isaga oo ku adkeeyey ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidanka.