Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray shirweynaha waxbarashadda qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah furay shirweynaha qaran ee ay soo qaban qaabisay wasaadadda waxbadashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya doorkan 4ta sano ah ay u qorsheysan tahay in ay qaadato ugu yaraan 10 kun oo macallimiin cusub ah oo ka shaqeyn doona horumarinta waxbarashada Dalka.

Shirkan ayaa waxa kasoo qayb galay dowlad goboleedada xubnaha ka ah dowladda federaalka,gobolka Banaadir,bahda waxbarashadda iyo xubno ka socday wakiilada Beesha caalamka.