Aljeris- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali , ayaa ubax dhigay Taallada Shuhaddada ee dalka Aljeeriya, oo lagu xusuusto halyeeyadii nafahooda u huray halgankii xornimada iyo difaaca dalkooda.
Madaxweynaha oo maalinti labaad ku sugan dalka Aljeeriya ayaa booqday Masaajidka weyn ee Jaamaca Aljeeriya, halkaas oo uu kula kulmay culimada dalkaas oo guddoonsiiyey xasuus reeb ku aaddan booqashada Madaxweynaha, iyagoo la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan fikirka argagixisadu ay ku bannaysanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale,Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Warshadda Daawooyinka dalka Aljeeriya iyo Xarunta Garaadka Macmalka ah ayaa warbixino ku saabsan waxsoosaarka iyo adeegyada xarummahan waxa uu ka dhegeystay Maamulka iyo Agaasinkooda.



