Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey in Soomaaliya ay si buuxda dib ula soo wareegtay hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerla iyo ka-warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajibaad qaran oo in ka badan soddon sano laga maamulayay dibadda dalka.
“Maanta waa maalin taariikhi ah maadaama Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo dhinaca dowladnimada ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,” ayuu tilaamay Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii ambaqaaddo ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinteeda iyada oo la kaashaneysa qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha heer gobol iyo caalami.