Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Josep Borrell ayaa adkeeyay  muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dedaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada ,waxayna hoosta ka xarriiqeen adkeynta ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.